Ciidamada Masar Oo Sheegay Inay Guulo ka Gaadheen Dagaalka ka Dhanka ah Muslimiinta Sinai.

Ciidamada xoogga Masar ayaa sheegay in guulo dheeraad ah ay ka gaareen ololihii lagu baadi goobayay, kooxda isu yeera xoogagga Islaamka ee Gacanta Sinai, iyagoo sheegtay inay dileen 12 ka mid ah maleeshiya, halka boqolkana ay soo xidhxireen.

Xukuumada Masaarida ayaa xanibaad kusoo rogtay in la helo warar madax bannaan, taasoo sababtay in la cadayn kariwaayo tirooyinka dhimashada iyo dhaawaca.

Madaxweyne Cabdulfataax Sisi ayaa saraakiisha ciidanka ku amrey iney ka taqalusaan ama adkaadaan kuwa isugu yeera Islaamiyiinta ee gobolka, illaa iyo inta laga gaarayo gaba gabada bishan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa amarkan bixiyay bishii November ee lasoo dhaafey, kadib markii uu ka dhacey weerar loo isticmaaley bom oo lagu qaaday masaajid , kaasoo lagu diley ku dhawaad dad gaaraya 300.

Kooxda Sinai ee gobolka Sinai, oo xiriir la leh ururka Daacish, ayaa qaadey weeraro tiro badan oo lagu hoobtay, oo lagu bartilmaameed sadey ciidanka. Sidoo kale, waxeysheegteen iney soo rideen diyaaraddii Russian airliner bishii October 2015-tii, taasoo ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayey 224 qof.

Markii hore kooxdan wuxuu magaceedu ahaa Ansaar Beit al-Maqdis, waxey soo if baxdey kooxdan markii ugu horeysay 2011-kii, iyadoo markii danbe magacooda u badaley IS, waxey markaa kadib ku biireen kooxda Daacish bishii November 2014-kii.

Kooxda guud ahaan waxey bartilmaameed sadaan xoogagga ammaanka ee waqooyiga Sinai, laakiin sidoo kale waxey sheegteen mas’uuliyadiisa weerar ka dhacey qeybta dalxiiska ee Koonfurta Sinai bishii April ee sanadkii hore.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com