Carruur ku Dhimatay Qarax Miino Oo ka Dhacay Isgoyska KM4 Ee Magaalada Muqdisho.

Hal cunug ayaa ku dhintay mid kalana dhaawac halis ayaa soo gaaray kaddib markii maqrnimadii caawa uu qarax ku helleelay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Carruurtan ay ku cayaarayeen wax u eek qumaca Qoriga Hoobiyaha oo mar kaliya dhawaqiisa la maqlay.

Isla goobta ayaa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah Carruurta halka kan kalana ay goobta ka qaadeen gadiidka gurmad deg deg ah oo durbaba soo gaaray halka ay wax ka dhaceen.

Guud ahaa Soomaaliya mar la eego marar badan ayeey sidan oo kale Carruur Soomaaliyeed ugu geeriyoodeen walxaha qarxa oo si aqoon la’aan ah ay ugu cayaarayeen, halka tiro kale oo badanna ay ku waayeen xubnahoodii qaaliga ahaa.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com