Shirkad Daah Furtay Qalab Yar Oo Furi Kara Dhamaan Lanbarka Sirta Ah Ee lagu Xafido Mobilada Iphonka

Shirkadda wayn ee farsamada ee Grayshift oo ku taal dalka Maraykanka ayaa iqtiraacday qalab yar oo furi kara dhamaan telefoonada ay samayso shirkadda Apple ee loo yaqaan Iphone.

Qalabkan yar oo lagu qaadan karo jeebka looguna magac daray GrayKey, ayaa awood u leh in uu furo oo uu jabiyo furaha sirta ee lagu xidho Iphonka, ama garashada wajiga iyo xariijimaha is dhaafsan.

Qalabkana ayaa laga iibin karaa kaliya Booliska iyo dawladaha, waxaan la siinayaa lacag dhan 15.000 dollar, iyadda oo lagu furi karo 300 oo telefon, wixii intaa ka danbeeyana la bixinaayo lacag dhan 30.000 oo dollar si aad u hesho shati cusub.

Halkii mobol wuxuu ku furi karaa daqiiqado ilaa saddex maalmood.

Booliska dalka Maraykanka ayay dhib badani ka haystay furista moobilada iphonka iyada oo heer maxkamadeed isla gaadhay shirkada apple.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com