Dhalaan Loo Magacaabay Gudoomiye Dagme Oo Ka Baqay Xilka Loo Igamaday Dedegna Isku Casilay

Faysal Cabdulaahi Cumar oo ah 16 sano jir ah dhigta Fasalka 4aad ee Dugsiga sare oo ku yaal Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee degmada Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wiilkaan yar ayaa lagu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha ee Maamulka Hirshabeelle.

Faysal Cabdulaahi Cumar oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay in lamagacaabay isaga oo aan ogayn, mar qur ahna ka warhelay in xil loo magacaabay, wuxuuna meesha ka saaray in lagu war giliyay in xilkaas loo magacaabayo, wuxuu sidoo kale sheegay in uu aad ula yaabay sida fudud ee loogu magacaabay xilka Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Degmada Gamboole ee G.SH/dhexe wuxuu kalo uu sheegay in xilalka hadda loo maro dhibaato badan oo lagu bixiyo lacago badan, laakiin isaga aanu ogayn waxa sababay in xilkaas loo magacaabo.

Wiilkaan ayaa ugu dambeyn ugu mahadciliyay maamulka Hirshabelle magacaabista ay u magacaabeyn Gudoomiyaha Degmada Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe, wuxuuna sheegay in uu xilkaas iska casili doono maalmaha soo socda, kadib markii uu sheegay in uusan awoodin gudashada xilkaas loo magacaabay.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com