Wasiirka Amniga Gudaha Ee DFS Oo Booqday Bosaso

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaaladan Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaasoo ay ku soo  dhaweeyeen mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaa ka mid ah xubnaha wafdigan, Wasiirka Beeraha Mudane Siciid Xuseen Ciid, Sii hayaha Wasiirka Gargaarka Cilmi Cumar Ceynsane, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Bandar-Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa faahfaahiyay ujeedka socdaalkooda.

“Marka hore Waxaan doonayaa inaan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka Magaalada Boosaaso iyo dowlad Goboleedka Puntland  sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen, waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo, Xukuumaddu markasta waxaa ay garab taagan tahay dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Mas’uuliyiintan ayaa inta ay joogaan Boosaaso waxay kulamo kala-duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiin,waxgarad iyo qeybaha bulshada.

© Heemaal News Network. [email protected]