AMISOM Oo Mamnuucday In Gudaha Loo Galo Xarunta Xalane

Ilo xog-ogaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in howlgalka midowga Africa AMISOM uu soo rogay amar ah in aan gudaha loo galin karin xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada midowga Africa.

Xarunta Xalane ayaa sidoo kale saldhig u ah safaaradaha shisheeye iyo hay’addaha Qaramada Midoobey intooda badan waxaana ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Lama oga sababta ka danbeysa amarkan laga soo saaray dhaqdhaqaaqa xarunta Xalane laakiin waxaa loo maleynayaa in uu salka ku hayo arrimo la xiriira dhinaca Amniga.

© Heemaal News Network. [email protected]