Hassan Nasrulah Oo Canbaareeyey Weerar dayaaradaha israel Ka Fuliyeen Dalka Suuriya

Hogaamiyaha Ururka Xisbulah ee Hasan Nasrulah ayaa wax laga caroodo ku sheegay talaabada ay Israel duqeynta uga fulisay Garoonka Diyaaradaha ee Ciidamada Suuriya ku Leeyihiin Gobolka Homs ee Dalkaasi.

Sheekh Hasan Nasrulah, ayaa sheegay in Israel ay ka weecaneyso xeerka dagaalka, balse waxa uu tilmaamay in itaal xumo ay iyada ku danbeyn doonto.

Nasrulah ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku dhaliilay jar iska xoornimo, waxa uuna intaa ku daray in ay iyagu qaadi doonaan mas’uuliyadd cawaaqibka ka dhasha weeraradaas.

Nasrulah, waxa uu sheegay in diyaaradaha Dagaal Israeli ay si toosa gantaalo ugu dhufteen Garoonka Diyaaradaha ee Ciidamada Suuriya ku Leeyihiin Gobolka Homs ee Dalkaasi, waxa uuna cadeeyay in wixii khasaaro ah ay dusha saran doonto Israel, isla markaana Xisbulah ay is garabtaagi doonto Syria.

Hassan Nasrulah oo qudbad ka Jeedinaayay Talefishinka isaga oo ku sugan Magaalada Beirut ee Caasimada Lubnan ayaa sheegay in weerarka Israel ka Geysatay Syria uu noqon doono Taariikh Qaldan oo ay Gashay.

Hogaamiyaha Xisbulah ayaa dhanka kale weerarka Israel ku tilmaamay mid daan daansi iyo ka fiirsasho la,aan ah.

Laba diyaarad oo ay wateen Ciidamada Israel ayaa Sideed Gantaal waxaa ay la Beegsadeen Garoonka ay Leeyihiin Milatariga Suuriya iyaga oo adeegsanayay Garoon ku yaal dalka lubnaan sida ay sheegeen Saraakiil Ka tirsan wadanka Ruushka.

Sidoo kale, Nasrulah waxa uu qiray in weerarkaan uu ka dhacay meel qiyaastii 40 Kiilo mitir kaga beegan Galbeedka Magaalada Palmyra waxaana ku dhintay 14 ruux oo afar kamid ah ay u dhasheen wadanka iiraan.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Dowladaha Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ay duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay u adeegsatay dadkeeda magaalada Duma ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya.

© Heemaal News Network. [email protected]