Mohamed Salah Oo Goolkii Afartanaad U Dhaliyey Kooxda Liverpol Taarikhda Kooxdana Galay

Weerar yahanka Kooxda Kubada Cagta ee Lverpool ayaa Wali Wada Gool Dhalntii Lagu Yaqaanay Kadib Markii uu Maanta Dhaliyay Goolkiisii afartanaad Cayaar ay 3-0 Kaga Badiyeen Kooxda kubada Cagta ee Bournemouth Shalay.

Kulankaan oo ahaa Cayaar Ka Tirsaneyd Horyaalka Premier League ayaa Waxaa Goolka Hore u Daahfuray Kooxda Reds Sadio Mane Cayaarta oo Socotay Daqiiqadii 7-aad.

Mohamed Salah ayaa Goolka Labaad ee Cyaarta ahaana Goolkiisii afartanaad ee Kulamdi uu u Cayaaray Kooxda Liverpool Waxaa uu Dhaliyay Daqiiqadii 69-aad ee Qeybtii Labaad ee Cayaarta.

Roberto Firmino oo Ka Mid ah Weerarka Sadex Afleyda ah ee Liverpool ayaa isna Hurdo u Diray Kooxda Bournemouth.

Mohamed Salah ayaa Waxaa uu Noqonayaa Cayaariyahankii Sedaxaad oo u Cayaara Liverpool Kaasi oo Dhaliya 40 Gool Hal Sanad Cayaareed Waxaa uuna Taariikhda Kooxdaas kula Biirayaa Ian Rush, iyo Roger Hunt.

© Heemaal News Network. [email protected]