Haweenay Soddon Iyo Shan Jir Ah Oo Isku Daldashay Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia isku dishay Haweeney lagu magacaabi jiray Xaawa Cali Maxamed.

Haweeneydaan ayaa xalay isku dishay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa in dilkeeda uu ka danbeeyay kadib muran iyo xanuun isku biirsaday.

Dadka qaar ayaa sheegaya in waayadan danbe ay qabtay xanuunka dhimirka, waxaana u raacay buuq kaga shidnaa qoyskeeda.

Haweeneydan waxaa meydkeeda lagu baarayaa Xarunta Dembi Baarista ee CID, waxaana laga shaki qabaa in dilkeeda xitaa uu la xiriiro arrimo kale.

Maamulka Degmada ayaan weli ka hadal is daldalaada Haweeneydaan oo siyaabo kala duwan looga warbixinaayo, waxa uuna dilka ceynkaan ah mudooyinkani danbe ahaa mid sii kordhaayay.

Marxuumad Xaawa Cali Maxamed ayaa da’deeda lagu sheegay 35 jir ifka uga tagtey laba wiil.

© Heemaal News Network. [email protected]