Uur-cade Oo Ganafka Ku Dhiftay Xilka Qaadistii Lagu Sameeyay

Maxamed Cabdilaahi Uur Cadde oo ay shalay gudida fullinta ee xisbiga WADDANI Shir ay isugu yimaadeen xilkii iyo xubinimadii xisbigaasiba banaanka kaga dhigeen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrintaasi.

Maxamed Cabdilaahi Uur Cadde ayaa sheegay in aan aanu aqbalayn xilk ka qaadista lagu sameeyay.

Mr. Uur Cadde oo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa yidhi “Arrintaas uu guddoomiyuhu soo abaabulay waxa ay ahayd qayrul sharci, umana hogaansamayo, mana ogoli waxa aan yeeli doonan gadaal baan ka sheegi doonaa.

Laakiin waxa aan idiin sheegayaa in aanu arrinkaasi sharciga Xisbiga meelnaba ka waafaqsanyn.” Ayuu yidhi

© Heemaal News Network. [email protected]