Guddoomiyihii Xilka Laga Qaaday Ee Gobolka Hiiraan Oo Shuruud ku Xiray inuu Xilka Wareejiyo

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee dhowaan xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan ayaa shuruud ku xiray inuu xilka wareejiyo, isagoo ka hadlay sababaha uu u diidan yahay inuu xilka wareejiyo.

Cali Jeyte oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in horay xilal kala duwan ka soo qabtay, isla markaana si nidaam leh uu xilka u tiriyay, waxaana uu xusay in tallaabadan uu qaaday aanay aheyn wixii laga bartay.

Waxaa uu sheegay in waxa la isku heysto aanay aheyn cida Guddoomiye ah, balse ay dhibaatada ka jirto lacago laga qaado Gobolka Hiiraan oo sida ay u dhan tahay lagu shubtay akoonada iyo balamo looga baxay bulshada kun nool Gobolka.

Cali Jeyte ayaa sheegay in lacagaha ka soo xarooto Gobolka Hiiraan ay shaqsiyaad gaar ah lunsadeen, taasna aanay aheyn wax la aqbali karo, sida uu hadalka u dhigay.

Munaasabada xil wareejinta oo lagu waday inay ka dhacdo ayaa u baaqatay sababo ku aadan muranka lacagaha la isku heysto ee gobolka laga qaado halka ay ku baxeen, taasoo xiisad dhalisay.

Wareegto maalmo ka hor ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday Cali Jeyte Cismaan, waxaana xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan loogu magacaabay C/llaahi Axmed Maalin.

© Heemaal News Network. [email protected]