Puntland Oo Gardaro Qaawan Oo Ay Somaliland Ku Soo Qaaday Qaranimadeeda Ku Tilmaantay Dagaalka Tukaraq

aamulka Puntland ayaa  ku eedeeyay maamulka Somaliland in uu masuul ka tahay dagaalka saakay dib uga qarxay Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxa ayna puntland sheegtay in ciidanka Somaliland saakay mar kale weerar kusoo qaadeen.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ciidamada Somaliland duulaan kusoo qaadeen ciidankooda jooga difaaca, waxa uuna sheegay in ay iska difaaceen weerarkaasi.

Qoraal sidoo kale saakay kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay in Somaliland ay hurineyso colaada ka aloosan gobolka Sool, waxaana qoraalkan Puntland ku sheegtay in gardarada lagu hayo iska difacai doono.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com