Turkiga iyo Kuwait Oo Talaabooyin Adag Kaga Jawaabay Xasuuqii Yuhuudu Shalay U gaysatay Shacabka Falasdiin

Dawlada Turkiga ayaa u yeedhay safiiradeeda fadhiya wadamada Israel iyo Maraykanka.
dhacdadan ayaa ka danbaysay xasuuq baahsan oo ciidamadu Yuhuudu shalay ku dileen in ka badan konton qof halka ay dhaawaceen in ka badan labbo kun oo qof.
Israel ayaa banaanbaxayaasha u adeegsatay gaaska sunta ah, sida ay baahisay warbaahinta caalaamku.
Dhanka kale dawlada Kuwayt ayaa golaha amaanka iskugu yeedhay kulan dagdeg ah oo laga hadaalyo xasuuqa ka ay ciidamada Yuhuudu gaysteen.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com