Madaxwayne Farmaajo Oo Muqdisho Ku Soo Laabtay Kana Warbixiyay Safarkiisii Dalka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Qadar, taasoo qaadatay muddo laba cisho ah.

“Waxaan soo gabagabeeyay booqashadii aan ku joogay Dalka aan Walaalaha nahay ee Qadar, wada hadalladii na dhex maray aniga iyo Walaalkay Amiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo ku soo dhammaaday guul” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo iyo wafdigiisa oo goor dhow oo galabta ah ku soo laabtay Muqdisho ayaa Dowladda Qadar iyo Shacabkeeda ugu mahad celiyay soo dhaweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Booqashada Madaxweynuhu ku tegay Qadar ayaa ka dambeysay martiqaad uu ka helay amiirka dalkaas, waxaana intii isaga iyo wafdigiisu joogeen dalkaas ay heshiisyo isakaashi la saxiixdeen madaxda dowlada Qatar.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com