Madaxwayne Al-sisi Oo Amray In La Furo Xadka Qaza

Madaxweynaha Masar, Cabdul Fattah al-Sisi, ayaa amar ku bixiyay in la furo xudduudaha ay la leeyihiin Gaza inta lagu gudojiro bisha Ramadan.

Madaxweyne al-Sisi ayaa sheegay in talaaabadan loo qaaday si culayka looga yareeyo dadka reer Gaza.

Furitaankan ay albaabada u furtay Masaaridu Marinka Rafaax ee looga kala gudbo Qaza iyo Masar ayaa noqonyaa kii ugu dheeraa mudo dhawr sano ah la furnaada.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com