21 OKTOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid?

Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay xoog kula wareegeen talada dalka.

In kasta oo dhacdoyin badani ka soo maray kacaankii ay hogaaminyaneen shantii nin ee golaha sarre, maanta waxaan ku xusaynaa mid ka mid ah kacdoonadii ka hor yimid.

13 Marso 1983 madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay jaadka, isaga oo muddo kooban u qabtay in laga jaro geedka jaadka beero badan oo ku yaalay gobolada waqooyi.

Koofurta Soomaliya aad loogama cuni jirin jaadka waqtigaas, balse gobolada waqooyi ayaa aad u cuni jiray, iyaga oo beeran jiray, kana ganacsan jiray, kana soo gadan jiray Itoobiya iyadda oo dalka lagu soo galinayo sifo sharci daro ( contraband).

Siyaad Barre ayaa sameeyey askar logu magac daray dhabar goynta qaadka, kuwaas oo sifo khaldan u isticmaalay awoodi iyo hawshii loo igmadayba, taas oo keentay in ay dad badan xidhxidhaan, kana gurtaan laaluush iyaga oo inta badan shacabka ka been shiigi jiray.

Muqayiliintii gobolada waqooyi oo u adkaysan waayey jaad la’aanta, iyo cadaadiska dhabar goynta, ayaa bilaabay in ay u huleelaan tuulooyinka ku teedsan xad beenaadka Itoobiya iyaga oo halkaa ka furtay makhaayado lagu qayilo.

Dhalin yaro badan ayaa u tagay tuulooyinkaa qayilaad ama jaad dartii,  waxaan ku adkaatay markii dane ee mirqaanku la fogaaday,  in ay maareeynaan nolol maalmeedkooda, xukuumadii Mangiste oo ka faaidaysanaysa arintaa iyadda oo garab ka helaysa wadamo carbeed ayaa dhalinyardii loo abaabul qaab jabhad, loona qoray mushahar iyaga oo tababar ciidana la siiyey si ay ula dagaalamaan ciidankii Soomaliya , kuna dhawaaqeen ururka SNM oo ugu danbantii isku badal dagaal sokeeye.

Maxamed Faarax Boosh

boosh101@hotmail.com

© Heemaal News Netwok