Heemaal News Network

Dawlada Oo Ciidamada Tigreyga ku Eedeysay Xasuuqii ka Dhacay Iyo 250 Qof Oo Lagu Xir-xiray Adis-ababa.

Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii Isniintii ka dhacay deegaanka Mai-Kadra ee ku yaalla gobolka Tigray.

Wasiir Bikila Hurissa ayaa ku eedeeyay ciidamada daacadda u ah Tigray inay beegsadeen shacabka aan ka tirsaneyn qowmiyadda Tigreega isla markaana ay ku qaadeen xasuuq lasoo abaabulay.

Saraakiisha Tigray ayaa beeniyay in ciidamadooda ay geysteen dilka xasuuqa ee lagu eedeeyay, waxayna taa badalkeeda hogaamiyaha Tigray uu ku eedeeyay dowladda inay duqeyn ay ku xasuuqday dad rayid ah.

Sidoo kale dawlada ayaa ku dhawaad 250 qof ku xirtay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kuwaas oo looga shakiyay inay qorsheynayeen inay taageero u raadiyaan Tigray xilli uu dagaal halkaas ka socdo, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa barnaamijka Newsday ee ka baxa BBC-da u sheegay in dagaalyahanada Tigray ay heysteen liiska dadka aan kasoo jeedin qowmiyaddaas si ay u beegsadaan.

“Waxay xasuuqeen dhammaan dadka ku nool deegaanka ee aan kasoo jeedin qowiyadda Tigreega”

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ku eedeeyay xoogagga Tigray inay Isniinti fuliyeen xasuuq ay hay’adda Amnesty International ku sheegtay in lagu laayay boqolaal qof oo rayid ah.

Dhinaca kale hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay inay xaqiijisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaarayaan boqollaal ruux.

Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in adeeg gargaar oo loo fidinayay kumannaan ruux uu halis u yahay inuu joogsado sababo la xiriira dagaalka ka billowday gobolka Tigray.

Catherine Sozi, oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee dalka Itoobiya, ayaa BBC-da ku tidhi: “Waxaa lasoo tabiyay inay go’een adeegyo muhiim ah, sida burka iyo shidaalka.”

Sikastaba ha noqotee arrintani ayaa imaaneysaa xilli ciidamada dowladda ay howgallo ay ku qabsanayaan gobolka Tigray.

Related posts

Muqdisho: Qarax Lala Beegsaday Ciidamo Ka Tirsan AMISOM

Heemaal

Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha Somaliya Oo War Laga soo Saaray

Heemaall

Beesha Caalamka Oo War kasoo Saartay Muranka Doorashada Somaliya Iyo Doorashadii Hirshabeelle.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More