Heemaal News Network
cayaaraha

Xiddiga Manchester United Oo Damaanad Lagu sii Daayay Markii Eedo Kufsi loo Xiray

Xiddiga da’da yar ee Manchester United ee Mason Greenwood ayaa lagu sii daayey damaanad kaddib saddex habeen oo uu jeelka u hoyday. Laacibkan ayay boolisku soo xidheen Axaddii iyadoo lagu eedeeyey kufsi iyo dhaawacyo uu u geystay gabadh ay saaxiibo ahaayeen, taas oo baraha bulshada soo dhigtay muuqaallo argagax leh, iyo waliba cod ay ka duubtay.

Salaasadii ayay boolisku xaqiijiyeen, in Mason Greenwood uu dacwadda loo haysto kusoo biiray qodob kale oo ah hanjabaado dil oo uu kula kacay gabdhan, waxaanay xaqiijiyeen inay sii haynayaan.
Kaddib saddex habeen oo uu jeelka u hoyday, wariyaha Daily Mail ee Mike Keegan ayaa xaqiijiyey in 20 jirkan maanta lagu sii daayey damaanad oo uu gurigiisa tegay, laakiin uu wali socdo baadhitaanku.

Mason Greenwood ayaa xataa iyada oo la sii daayey aan awoodi doonin inuu kooxdiisa Manchester United dib ugu laabto maadaama ay kooxdu hore u sheegtay in aanu iman karin garoonkeeda tababarka isla markaana aanay ciyaarsiin doonin illaa inta uu soo dhamaanayo kiiskiisu.
Shirkadda Ninke ee uu laacibkani xayaysiiyo ayaa iyaduna joojisay heshiiskii ay kula jirtay, waxaanay sheegtay in ay aad uga xun tahay falka uu ku kacay.

Waxa kale oo Mason Greenwood laga saaray ciyaar-gacmeedka FIFA 22 ee EA Sports, halka ay Manchester United joojisay iibinta dharka uu magaciisu ku qoran yahay.

Mason Greenwood oo ku dhashay Bradford, waxa uu kooxda koowaad ee Manchester United kulankiisii koowaad u saftay sannadkii 2019, waxaana isu-geyn uu u ciyaaray 129 ciyaarood oo uu u dhaliyey 35 gool.

Related posts

Liverpool Oo Iska Xaadirisay Finalka Champions League Markii 10aad

Heemaal

Xulka Qaranka Soomaliya Oo xalay Guul Darro Dhabarka Loo Saaray

Heemaal

Paul Pogba Oo Ka Huleelay Man United

Heemaal