Heemaal News Network

Puntland iyo Xukuumada Rooble Oo ka Heshiiyay Qodob ay Horay Isugu Mari-waayeen.

Wasaaradaha waxbarashada xukuumadda federalka ah e Soomaaliya iyo Puntland ayaa heshiis ka gaarey murankii ka taagnaa bixinta shahaadada fasalka 12aad (Form 4) ee dugsiyada sare ee deegaamada Puntland.

Wasiirada waxbarashada Puntland iyo heer federal oo kulamo saacado qaatay ku yeeshay Garoowe ayaa warbaahinta u soo bandhigay heshiiska la gaarey waxaana ay sheegeen in la fasaxay shahaadadii fasalka 12aad ee dugsyada sare ee Puntland.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen wasaaradaha waxbarshada Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen madaxda labada wasaaradood ay isku afgarteen qodobada kala ah.

1- In adayda Puntland ee dhamaysay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federaalka oo laga heli doono xarunta Wasaaradda Waxbarshada Puntland iyo tan Federaalka ee Muqdisho.

2 In la isugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo arrimaha waxbashada dalka.

Muddo labo sano ardayda Puntland ee dhamaysatay dugsiyada sare ayaa helin shahaadada Dowladda Federaalka.

Related posts

Xalay Ayay Ka Dhaceen Dhuusamareeb Dhamaan Dhacdooyinkani

Heemaal

Somaliland Oo Qirtay In Denbiyada Kufsiga loo Xirin Raga Dhaqaalaha Leh

Heemaall

Wafdi ku Wajahan Itoobiya Iyo Museveni Oo ka Noqday Baaq Nabadeed Oo Uu U Diray.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More