Heemaal News Network
somali

Musharraxii Labaad Oo U Tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharrax madaxweyne Cabdinaasir Cabdille Cusmaan, oo kamid ahaa musharraxiinta isku diiwaan galiyay doorashada madaxweynaha, ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu u tanaasulo oo uu taageero musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waa musharraxii labaad oo u tanaasulo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. maalin ka hor ayay ahayd markii Cabdikariin Xuseen Guuleed uu u tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta,” ayuu yiri Cabdinaasir Cabdille Cusmaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo dhoweeyay tanaasulka musharrax Cabdinaasir Cabdille, wuxuuna ku tilmaamay inay tallaabani ay tahay bog cusub oo u furmay siyaasada Soomaaliya.

Musharraxiinta isku tanaasulay oo isku beel kasoo wada jeeda ayaa doonaya inay sannadkan dhisaan hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo kamid ah siyaasiyiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha.

Hoggaamiyaha Wadajir oo markii Sadaxaad u taagan doorashada madaxweynaha ayaa kamid ah dadka sida weyn u doonaya in meesha laga saaro madaxweye Farmaajo oo uu ku yahay mucaaradka ugu weyn.

Lama saadaalin karo natiijada uu ka heli karo doorashada, iyadoo ay sharraxan yihiin siyaasiyiin kale oo dalka horey usoo hoggaamiyay.

Related posts

Siyaasi ka Tirsan Ahlu Sunna Oo Maanta Lagu Doortay Dhuusamareeb.(Sawiro)

Heemaall

Qoorqoor Oo Qalinka Ku duugay Shuruuc Baarlamaanku U Soo Gudbiyay

Heemaall

Shaqaaqo Hadhaysay Maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall