Heemaal News Network

Amarkii M/Biixi ku Laalay Canshuurtii Dadka Ee Xadka Lowyacado Oo Laga Horyimid.

Cabasho ayaa ka soo yeedhaysa Lawyacado, waxana ay salka ku haysaa cashuurta madax-taabashada ah ee dhan 31ka doolar ee laga qaado muwaadiniinta u talaabaya dhinaca Djibouti oo uu dhawaan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi gudaha Lawyacado kaga bishaareeyay in cashuurtaas meesha laga saaray.

Qaar ka mid ah dadkii shalay kasoo gudbay xadka Lowyacado ayaa shabakada Heemaalnews la wadaagay cadaymo muujinayay in wali la qaado canshuutii madaxtaabashada ahayd, waxana ay tilmaameen inay la yaaban yihiin waxa meesha ka saaray hadalkii madaxwaynaha walina ay cashuurtan dhabar-jabka ahi wali qaadideedu u sii socoto.

Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Barasaabka gobolka Salal uu yahay masuulka ugu sareeya ee ka horyimid hadalka ka sooyeedhay Madaxwayne Bixi ee meesha ka saaraya cashuurtan, waxana uu Badhasaabku ku doodayay in dekhliga gobolka ay hoos u dhac ku keenayso canshuuta uu laalay Muuse Biixi, taasna aan la aqbali karin, badalkeedana uu Hargaysa u joojo sidii uu madaxda Somaliland uga dhaadhicin lahaa in meesha laga saaro joojinta canshuuran ay dadku ugu magac-dareen “dhiigmeerashada”

Si kastaba ha ahaatee Madaxda Waaxda Cashuuraha ee Wasaarada Maaliyada ee Somaliland uga shaqeeya Lawyacado ayaa u muuqda kuwo uu la miisaan cuslaaday hadalka Badhasaabku, dhagahana ka furaytay hadaladii uu Madaxwayne Biixi dadka ugu bishaareeyay meeshana uu kaga saaray cashuurtaas 31ka doolar ah, iyada oo ay waliba xusad mudan tahay in goobtii fagaaraha ahayd ee uu Madaxwayne Biixi bi shaaradan kaga dhawaaqay ay ahayd goob ay ku sugnaayeen maamulka gobolka Salal ka degmada Saylac iyo madaxda waaxda canshuuraha ee wasaarada Maaliyada u qaabilsan Lawyacado dhamaantood
Maxamed Bili Bili
Heemaalnews
Borama

Related posts

600 Qof Oo loo Xir-xiray Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Weli ka Socda Magaalooyinka Tunuusiya

Heemaall

Solja Oo si Adag Uga Hadashay Xariga Afar Wariye Loogu Gaystay Borama.

Heemaall

Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Boorama Oo Maanta Xilkii la Wareegey.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More