Heemaal News Network

57 Dal Oo Loogu Baaqay Inay Muwaadiniintooda kala Baxaan Xero Qaxooti Oo Macluul soo Wajahday.

Khubarada Qaramada Midoobe u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay 57 dal inay si deg deg ah muwaadiniintooda ugala baxaan xeryaha qaxootiga ee ku yaal dalka Suuriya.

Khubarad ayaa sheegay in xaalad halis ah oo bini aadanimo ka jirto xeryaha qaxootiga gaar ahaan labada xero ee Al-hool iyo Rooj oo ay ku sagan yihiin qaxooti badan.

Qaxootiga ku jira xeryahaas ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan 64,000, oo ay ka mid yihiin dad kasoo jeeda wadamada Azerbaijan, Georgia, Kazakhstan, Russia, Tajikistan iyo Uzbekistan.

Khubarada Qaramada Midoobe ayaa intaas ku daray in 80% dadka ku jira xeryahaas yihiin haween iyo carruur, isla markaana in ku dhow kala bar carruurta ay ka yar yihiin shan sano.

Dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee Suuriya ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo uga imaanaya kooxa hubeysan.

Related posts

Jubbaland Oo si Adag Uga Hadashay Dagaalkii ka Dhacay Muqdisho.

Heemaall

Maxkamada Ciidamada Ao Xukun Adag ku Riday Rag ka Tirsanaa Al-Shabaab

Heemaall

Wariye Si Khaldan Uga Qayb Galay Shir Wasiiradda Difaaca Yurub Lahaayeen

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More