Heemaal News Network
Caalamka

6 MILYAN OO MAASGARO AH OO LAGU XADAY GAROONKA DIYAARADAHA NAIROBI

Dawlada Jarmalka ayaa baadigoobaysa Lix million oo Maasgarada afka lagu xidho ah oo loo waday hawlgadeenada caafimaadka Kenya, lana waayay markii ay soo gaadhay gagida Diyaarada Nairobi.

Gargaysa Der Spiegel ee ka soo baxa Jarmalka ayaa qoray in shixnadan ay Jarmalka ka soo baxday 20-kii March balse la waayay meel ay ku dambaysay todobaadkan dabayaaqadiisii.

“Masuuliyiintu waxa ay isku dayayaan in ay ogaadaan waxa dhacay iyo meesha ay shixnadani ku luntay” ayay tidhi haweenay u hadashay Wasaarada Gaashaandhiga ee Jarmalka.

Dhinaca kale Masuuliyiinta Caafimaadka ee Kenya ayaan ka jawaabin arintan, halka ay saraakiisha Garoonka Diyaaradaha Kenya ka sheegeen in dhacdadan dabagal lagu samaynayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More