Heemaal News Network

YouTube Oo Hawda ka Saartay Akoonkii Donald Trump.

YouTube ayaa noqday bartii ugu dambeysay ee arrimaha bulshada ee xayiraad saarta akoonka Madaxweyne Trump.

Bartan oo uu leeyahay Google ayaa madaxweynaha ka joojisay inuu muuqaallo cusub soo dhigo bartiisa amaba uu muuqaal toos ah ka soo galo ugu yaraan muddo toddoba maalmood ah, waxayna sheegtay in laga yaabo inay muddada sii kordhiso.

Shirkadda ayaa sheegtay in kanaalka uu jebiyay shuruucdeeda ku aaddan kicinta rabshadaha.

Madaxweynaha ayaa dhowr muuqaal soo dhigay shalay, iyadoo qaarkood ay weli ku jiraan bartaas.

Google wax faahfaahin ah kama uusan bixin waxa uu Mr Trump ku yiri muuqaalka uu mamnuucay.

Tallaabadan ayaa imaaneysa saacado kaddib markii kooxaha xuquuqda rayidka u dooda ay ku hanjabeen inay soo abaabuli doonaan in la joojiyo xayeysiimaha saaran YouTube.

Jim Steyer – oo sanadkii hore qeyb qaatay abaabulka tallaabo noocaas oo kale ah oo ka dhan ahayd Facebook – ayaa ugu baaqay Google inuu qaado tallaabo dheeraad ah uuna gebi ahaanba xiro kanaalka madaxweynaha.

“Waxaan rajeyneynaa inay ka dhigaan mid abid ah. Waa niyad jab in weerar uu Trump kiciyay uu heerkaas gaaro, balse waxay u muuqataa in baraha bulshada ee waaweyn ay ugu dambeyn tallaabo qaadayaan,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.

Google ayaa sheegay in laga yaabo in Mr Trump uu sababsado in gebi ahaanba kanaalka laga xiro haddii uu jebiyo saddexda siyaasadood ee u degsan.

“Kaddib markii dib u eegis lagu sameeyay, ayna soo baxday walaaca laga qabo rabshada, waxaan tirnay muuqaal cusub oo la soo dhigay kanaalka Donald J Trump sababo la xiriira inuu meel uga dhacay siyaasaddeenna,” ayaa lgu yiri warsaxaafadeedka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Oo Wadahadal la Yeeshay Ilhaan Cumar.

Heemaall

Ex Madaxwaynihii Tigrey Iyo Kuxigeenkiisii Oo Jeebo Lagu Keenay Addis.(Sawirro)

Heemaall

Golaha Ismaamulka Somalida Oo Ansixiyay Deeq Lagu Taageero Ciidamada Itoobiya (Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More