Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Galmudug Oo Kormeeray Xero Milatari Amaana Huwiyay Ciidanka.(Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa maanta kormeer ku tagay xerada Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan qeybta 21aad ee kutaala duleedka magaalada Dhusamareeb.

Qoor Qoor ayaa bogaadiyay howlgalada Ciidamada xooga ay dhawaan ka fuliyeen deegaanada Galmudug kuna booriyay inay sii laba jibaaraan, gaar ahaan xiligaan xasaasiga ah ee loo diyaar garoobayo doorashada dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaana ciidamada u sheegay in ay u diyaar garoobaan xureynta deegaanada ma maqan gacanta maamulka Galmudug iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen amaanka deegaanada uu maamulka gacanta ku hayo.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa amaankeeda si weyn loo adkeenayaa , waxaana la filayaa in dhawaan magaaladaasi ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada labaqa aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Related posts

Wajigii Labaad Ee Wacyi Galinta Covid 19 Oo Boorama Laga Bilaabay

Heemaall

Murashax Makhtal Oo Fariin U Diray Bulshadu Uu Ku Metelayo Golaha Wakiilada.

Heemaall

Mareykanka Oo 5 Qof ku Dilay Garoonka Diyaaradaha Kabul Oo Uu La Wareegay.(Sawiro)

Heemaall