Heemaal News Network

QM Oo Markale Farmaajo Ugu Baaqday in Laga Heshiiyo Doorashada Somaliya.

Iyada oo weli aan heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashada ayaa waxaa jira walaac xoogan o ay muujinayaan xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta Rosemary A. DiCarlo ayaa sheegtay I nay laam huran tahay doorashooyin loo dhan yahay, waxaana ay ugu baqday codsanayaa madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadallada doorashada.

“Soomaalidu waxay waddo dheer u soo mareen xasilinta dalka iyo u dhigista dhabbaha nabad waarta iyo dimuqraadiyad Doorashooyin loo dhan yahay waa lama huraan. Waxaan ka codsanayaa madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadalka waxaanan ku celinayaa taageerada buuxda ayay tiri” Rosemary A. DiCarlo.

Shacabka Soomaliyeed & Beesha Caalamka ayaa ka war sugaya shirka wadatashiga Madaxda dowladda , dowlad gboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo ay uga hadlayaan cqabadaha hortaagan qabashada doorasho la isku raacsan yaha

Related posts

Puntland Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dagaalkii ka Dhacay Muqdisho.

Heemaall

Walaac Laga Muujiyay Furayaasha Nukliyeerka Ee Trump Gacanta Ugu Jira

Heemaall

Ardayda Dufcadii 13aad Oo Maanta ka Qalinjabisay Collegeka Waaberi Ee Borama.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More