Heemaal News Network
somali

Aabaha Qoyska Ugu Balaaran Dunida Oo Maanta Geeriyooday.(Sawirro)

Dalka Hindiya waxaa ku geeriyooday nin la sheegay in uu ahaa aabaha qoyska ugu balaaran ee Dunida, geerida ninkan ayaana aad looga hadal hayaa baraha bulshada dalka Hindiya iyo Warbaahinta caalamka.

Ziona Chana, oo 76-sano jir ah ayaa geeriyooday habeenkii axada kadib markii uu xanuun lasoo darsay, waxaana ninkan oo caan ka ahaa dalka Hindiya qabay xanuunada Macaanka iyo dhiikar sida dhaqaatiirtu sheegeen.

Ninkan ayaa la sheegay in uu qabay 38-xaas, kuwaa oo u dhalay 89 carruur, waxa ay sidoo kale caruurtiisa sii dhaleen 36 carruur ah, waxaana la tilmaamay in uu ahaa ninka ugu qoyska balaaran dunida inta laga war hayo.

Ziona Qoyskiisa ballaaran ayaa ku noolaa guri ka kooban afar dabaq oo 100 qol leh, sida ay ku warantay warbaahinta mxaliga ah, waxaana gurigan soo jiitay dalxiisayaal badan oo booqasho u tagi jiray.

Related posts

RW Rooble Oo Kulan la Qaatay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Ee Sweden Oo Dalka Yimid.(Sawiro)

Heemaall

“Xaalada Dhimasho Ee Covid 19 Wali Way ka Jirtaa Somaliland.” Wasiirka Caafimaadka Cumar

Heemaall

Mali Oo Sii Daysay Madax Xidhxidhnayd

Heemaall