Heemaal News Network
somali

Aabo Gabadhiisa Tinta Laga Jaray Oo Dalbaday Hal Milyan Dollar Oo Magdhaw ah.!

Aabaha dhalay gabar 7-sano jir ah ayaa dacwad ka gudbiyay macalimad iyo labo kamid ah shaqaalaha Iskuulka Ganiard ee kuyaala dalka Mareykanka oo tinta ka jaray gabadhiisa iyaga oon wax fasax ah ka heesan .

Jimmy Hoffmeyer, oo ah aabaha dhalay gabadha yar ee tinta laga jaray ayaa Warbaahinta u sheegay in iskuulka duudsiiyay xuquuqda dastuuriga ah ee gabadhiisa, waxa uuna cadeeyay in uu hada gabadhiisa ka saaray Iskuulkaasi.

Aabahan ka careesan in gabadhiisa tinta laga jaray fasax la’aan ayaa codsaday Hal Milyan Dollar oo magdhaw ah, waxa uuna iskuulka gabadhiisa dhiganeysay ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen gabadhiisa yar.

Gabadha yar ayaa la sheegay in markii hore arday baska Iskuulka la saarnaa uu ka jaray qeyb kamid ah tinta ,waxaana macalimad wax u dhigeesay gabadhaasi geysay goob tinta lagu jaro si ay ugu sinto gabadhaasi tinteeda oo kala dheereed.

Dacwada iskuulkan laga gudbiyay ayaa sidoo kale sheegaysa takoor jinsi iyo handadaad qowmiyadeed oo si ulakac ah loogu sameeyay gabadha yar ee tinta laga jaray, inkastoo eedeyntaasi maamulka iskuulka beeniyeen.

Maamulka Iskuulka ayaana ku canaantay macalimadii gabadha yar tinta ka jartay talaabada ay qaaday, hasa ahaatee maamulka ayaa go’aansaday in aysan shaqada ka eryin macalimada dawcada lagu soo oogay.

Related posts

Kheyre Oo Markii Ugu Horeesay ka Hadlay khilaafka Farmaajo Iyo Rooble Iyo Xaalka Galmudug

Heemaall

Canfarta Oo Xasuuqday 400 Oo Shacab Somali ah Iyo Dagaalo ka Socda Deegaano ka Tirsan Itoobiya

Heemaall

Midawga Musharaxiinta Oo Digniintii U Hortaysay U Diray Rooble

Heemaal