Heemaal News Network
somali

Aadan Madoobe Oo Gudoomiyay Shir Amiga Qaranka Ah

u-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Maanta shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada, Millateriga, Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta, waxaana diirada diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Soomaaliya gasho Maalmaah todobadka xorriyada oo kala ah 26-ka June iyo 1-da luulyo, waxaana Muqdisho ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Related posts

Mareykanka Oo War kasoo Saartay Dagaaladii Maanta Ee ka Dhacay Boosaaso.

Heemaall

Madaxweyne Biixi Oo Baaq la Xidhiidha Somaliya U Diray Midawga Afrika.

Heemaall

Wasarada Waxbarashada Awdal Oo Dib U Hawl-galisay Dugsiyo Mudo Xirnaa

Heemaall