Heemaal News Network
somali

Aadan Madoobe Oo La Shiray Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Dawlad Goboleedyada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hirshabelle Galmudug iyo Xildhibaan Cali siciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Gudoonka Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Kulanka oo looga hadlaayey dardar-gelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqeyn karaan baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka iyo kan Federaalka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan golayaasha wakiiladda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu sheegay in wada shaqeyn buuxda dhexmarto si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha Sharci dejinta dalka iyadoo loo ballan sanyahay Kulan wadajir ah oo laqaban doono maalmaha soo aaddan.

Related posts

Guddomiyahii Gobolka Sitti Ee Somalida Itoobiya Oo Xilkii Iska Casilay.

Heemaall

Boqor Maxamed Oo Ka Hadlay Go;aanka Abdi Xaashi ku Hajiyay 16-ka Kursi Ee Somaliland.

Heemaall

Xaalad Bani’aadantinimo Oo Ka Taagan Degaanka Dooloow

Heemaall