Heemaal News Network
somali

Aadan Madoobe Oo Shaaciyay in la Qabanayo Doorashada Kuraastii Fahad Yaasiin iyo Mahad Salad

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in dhawwaan la qaban doono doorashada labo kursi oo ka banaan golaha shacabka.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in labada kursi ee doorashadooda la qaban doono kala yihiin kursiga HOP047 uu ku fadhiyay  Mahad Salaad oo hadda ah taliyaha NISA iyo kursiga HOP086 uu kusoo baxay Fahad Yasaiin balse guddiga doorashada diideen natiijadiisa.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in sharciga loo marayo doorashada labadaasi kursi ay xildhibaanada ka arrinsan doonaan, waxa uuna cadeeyay in doorashada labadan kursi la qaban doono inta lagu guda jiro kalfdahiga hadda socda.
Sheekh Aadan Madoobe ayaana sheegay in baarlamaanka sharci kasoo saari doonaan doorashada labada kursi in magaalada Muqdisho lagu qabto ama in lala aado dowlad goboleedyadii markii hore lagu soo doortay.

Related posts

Xaalada Abaaraha Puntland Oo Laga Dayrinayo

Heemaall

Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Madaxa Shirkada DP-world.(Sawiro)

Heemaall

Qiimaha Maciishada Diridhabe Oo Lajaangooyay

Heemaall