Heemaal News Network

Dowladda Oo Janeraal Xuudka ka Dagaalama Baladwayne U Aqoonsatay Al-Shabaab

Abaanduullaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Jenaraal Saalax Yacquub oo goordhaw Saxaafadda kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay dagaal muddo kooban socday oo aroornimadii hore ee maanta ka dhacay magaalada Baledweyne oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo dhinac ah iyo ciidamada Jenaraal Abuukar Xuud.

Jenaraal Saalax Yacquub ayaa sheegay in weerarkii saaka lagu soo qaaday uusan wax qasaare ah kasoo gaarin isago sheegay iney iska difaaceen ciidankii soo weeraray kuna daba maqan yihiin ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

“Waa nasiib darro in magaalada dhexdeeda weerar baasuuke loo adeegsanaayo uu ku soo qaado mid ka mid ah Jenaraaladii dalka soo maray balse waxaan cadeynaya in maanta kadib Jenaraal Xuud iyo Al-shabaab iney isku mid inoo yihiin” Ayuu yiri Jenaraal Saalax Yacquub.

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud ayaa si weyn uga soo horjeedo hanaankii loo maray dhismaha Hirshabeelle iyo jiritaan keedaba, waana markii labaad uu dagaal ku dhexmaro gudaha magaalada Baledweyne Ciidamada Hirshabeelle iyo kuwa uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud.

Related posts

Somaliland Oo ka Hadashay Shirwaynaha Ururka Saxafiyiinta Ee Ay Warbaahintu ka Walaacday.

Heemaall

Ururka Ikhwaanul Muslimiin Oo si Adah Uga Jawaabay Go’aankii kasoo Baxay Culimada Sacuudig.

Heemaall

Hay’ad ka Walaacsan Xaalada Qaxootiga kasoo Barakacay Colaada Gobolka Tigreega

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More