Heemaal News Network
somali

Abdalla Hamdok Oo Milatariga Suudaan Si Rasmi Ah Xukunkii Ugu Wareejeen

Ra’iisal wasaarihii xilka laga tuuray ee Suudaan Abdalla Hamdok ayaa dib loo soo celiyay kaddib afgambigii bishii hore ka dhacay dalkaas, kaddib markii xabsi guri la geliyay.

Waxa uu ka soo muuqday TV-ga si uu heshiis cusub oo awood qeybsi ah ula saxiixdo hogaamiyihii afgambiga sameeyay Gen Abdel Fattah al-Burhan, iyadoo ay weli socdaan dibadbaxyada ballaaran.

Hogaamiyayaasha rayidka iyo kuwa milatariga ayaa sheegay in saraakiisha dowladda iyo siyaasiyiinta la xiray tan iyo afgambiga dabayaaqadii bishii October la sii deyn doono, taasoo qeyb ka ah heshiiskii dhexmaray ciidamada iyo xisbiyada siyaasadda oo uu ku jiro xisbiga Ummada ugu weyn.

Inqilaabku waxa uu soo jiitay dhaleecayn caalami ah, iyada oo Maraykanka, xulafadiisa iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyeen weerarrada ka dhanka ah dibad-baxayaasha afgambiga ka soo horjeeda.

Hase yeeshee, waxaa weli ka sii socda dalka Sudan banaanbaxyo lagudiidan yahay heshiis kasta oo lala galo milatariga.

Sida ku cad heshiis uu la saxeexday hoggaamiyihii milatariga General Abdel Fattah al-Burhan, Hamdok, oo markii ugu horreysay la magacaabay ka dib afgambigii taliskii Cumar al-Bashiir ee kacdoonka 2019, ayaa hogaamin doona dawlad rayid ah oo farsamoyaqaanno ah muddo ku meel gaar ah.

Related posts

Puntland Oo Go’aana soo Saartay Amniga Degaannadeeda Oo Maanta Laga Shiray.

Heemaall

Waraabe Oo Qado Sharaf ku Maamuusay Dhalinyaro Calanka Somaliland Ku Xustay Borama.

Heemaall

Ciidamo Hubeysan Oo Caawa la Wareegay Madaalada Baladweyne.(Sawiro)

Heemaall