Heemaal News Network
somali

Abiy Ahmed Iyo Antony Blinken Oo ka Wada Hadlay Arimo ka Taagan Geeska Africa

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa wadahadal dhinaca telfoonka ah waxa uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony J. Blinken, waxa ayna labada masuul kawada hadleen xal u helida colaada ka taagan Itoobiya.

Wadahadalka dhax maray Abiy iyo Blinken ayaa diirada lagu saaray sidii nabbad loogu soo dabaali lahaa waqooyiga Itoobiya iyo sidii wadahadalada socda iyo qodobada hordhaca ah ee lagu heshiiyay lagu hirgalin lahaa.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Bilinken kala hadlay Abiy muhiimada ay leedahay in colaada lasoo afjaro nabadna lagu soo celiyo gobolka Tigrey.

Blinken ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si deg deg ah loo dhaqan galiyo heshiiskii xabbad-jooginta ahaa oo ay ku jiraan in laga saaro dhammaan ciidamada shisheeye iyo in isku mar hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Tigreega.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony J. Blinken, ayaa cadeeyay in dowladda mareykanka si weyn u taageereyso hannaanka Midowga Afrika u wado wadahadalka iyo sidii heshiiska u noqon lahaa mid dhaxal gal ah.

Related posts

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo la Kulmay Boqor Buurmadow.(Sawiro)

Heemaall

Puntland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Xaalada Doorasha

Heemaal

Dowladda Qatar Oo Gargaar Caafimaad Ufidinayso Dhaawacyadii Weerarkii Xayaat.

Heemaall