Heemaal News Network

Abiy Axmed Oo ka Hadlay Xaalada ka Taagan Gobolka Tigreega.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in walaaca laga qabo dagaal sokeeye oo itoobiya ay gasho uu yahay mid aan xaqiiq ku fadhin.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dowladda itoobiya ay abaal u heyso saaxiibada walaaca ka muujinaya xaalada itoobiya iyo in ay lugaha la gasho qalalaase .

Howlgalka ciidanka itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega ayuu ku tilmaamay mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadaan cadaaladana ay wajahaan qas wadayaasha.

Howlgalkeena meel marinta nidaamka sharciga waxaan u nahay dal madax banaan oo awood u leh in uu maareeyo arimihiisa gudaha ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegay in dhawaan ay soo afjarayaan howlgalka ka socda gobalka tigreega.

Related posts

Hay’ad Caalami ah Oo Digniin kasoo Saartay Duufaanta GATI Ee kusoo Wajahan Somaliya.

Heemaall

Xassan Sheekh “Fahad Yaasiin, kama Yeelayo Burburin Siyaasada”

Heemaall

Wasiirkii Arimaha Dibeda Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday, Mid kale-na la Magacaabay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More