Heemaal News Network

Abiy Axmed Oo ku Gacan-seyray Codsi Uga Yimid Maamulka Gobolka Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa diiday codsi ku aadan in wadahadal nabadeed lagu soo afjaro dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Madaxweynaha gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa codsi Midowga Afrika kaas oo ah in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda.

Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in aysan jirin doonin wax wadahadal ah tan iyo inta sharciga iyo kala danbeynta dib loogu soo celinayo’

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaallada ka socda Tigray, waxaana sidoo kale guddoomiyaha guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa shaley baaq u diray labada dhinac si xabadda loo joojiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in howlgalka militeri ee ka dhanka ah Tigray loo fulinayo qaabkii loo qorsheeyay, waxuuna intaasi ku daray in howlgalka la joojin doonto tan iyo inta hub ka dhigis lagu sameynayo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah.

Related posts

Shirkadaha Diyaaradaha Somaliya Oo Taageeray Go’aan Uu Wasiir Bayle ka Qaatay Muran ka Taagnaa Garoonka.

Heemaall

Dowladda Somaliya Oo Heshiisyo Cusub la Saxiixatay IFC Oo Xubin ka ah WorId bank Group

Heemaall

Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Oo Go’aan kasoo Saartay Ciyaartii Muranku ka Dhashay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More