Heemaal News Network
somali

Abiy Axmed Oo ku Goodiyay inuu Qoran karo Hal-milyan Oo Dagaalyahano ah.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la hadlay Baarlamaanka federaalka ee dalkaasi ayaa sheegay in dowladiisa awoodo in mudo yar gudahood ay ku qorato hal milyan oo dagaalyahano ah oo dagaalama .

Waxa uu sheegay in ujeedkoodu hada yahay in ay aamusaan oo ka shaqeeyaan xasiloonida gobolka colaada halakeesay ee Tigrey, waxa uuna ka bixitaanka ciidanka federaalka caasimada Tigrey ku tilmaamay mid xeelad ah.

“Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.” ayuu u sheegay Abiy Baarlamaanka Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada iyo dowladaba go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro isbadalna loo abuuro.

Jabhada TPLF ayaa bilooyin kadib dib ula wareegtay magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey, waxa ayna kooxdaasi qabashada magaaladaasi ku tilmaameen guul milatari ah iyagoona shuruud ku xiray xabad joojin dowlada federaalka ku dhawaaqday.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in la xiri-doono safaaraddo badan oo aan loo baahneyn, taasoo galineysa dalka qarashaad dheeraad ah.

Dowladda la dhisi doono sanadka danbe ee bisha September, ayaa xiri doonta in ka badan soddon safaaradood, ayuu ku yiri khudbad uu maanta ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya.

Related posts

Midowga Musharixiinta Oo Shaki Muujiyay Dhex-dhexaadnimada RW Rooble Ee Doorashada.

Heemaall

Saraakiil ku Dhaawacantay Markab Rasaaseeyay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Galmudug.

Heemaall

Muuqal Dhamaystiran:-Dardaarankii loo Jeediyay Gabdho U Xirnaa Calanka Somaliya Oo la siidaayay

Heemaall