Heemaal News Network
somali

Abiy Axmed Oo Mar kale Shacabka Itoobiya ka Dalbaday Inay kusoo Biiraan Dagaalka Tigrey

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka ugu baaqay inay kusoo biiraan ciidamada dawlada ee dagaalka kula jira fallaagada Tigray.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa ka dalbay dhammaan shacabka Itoobiyaanka ee awoodda leh inay muujiyaan jeceylka ay u qabaan dalkooda isla markaana ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah TPLF kaas oo ka socda deegaanno ku yaalla waqooyiga dalkaas.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii Jube xabad joojin uga dhawaaqday gobolka Tigray, Iyadoo waxii intaasi ka denbaysay ay ciidamada fallaagada Tigray la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay kamid tahay caasimadda Mekelle.

Sikastaba ha noqotee boqolaal kun oo qof ayaa ka qaxay dagaallada ka socda Tigray, waxaana ku dhawaad 400, 000 qof oo ku nool gobolka ayaa wajahayaan macluul, iyadoo boqolaal kale-na ay ku nef waayeen.

Related posts

Ciidamada Puntland Oo soo Bandhigay Dagaalyahano Ajnabi ah Oo Daacish ku Biiray.(Sawiro)

Heemaall

Matraykanka Oo Xayiraadii Socdaalka Ka Qaaday Lix Dal Oo Afrikaan Ah

Heemaal

Shacab Qab-qabtay Dabley ka Tirsan Al-Shabaab Oo Dil ka Geysatay Muqdisho

Heemaall