Heemaal News Network

Abiy Axmed Oo Saluugay Awooda ay kusii Dagaalami karaan Xoogaga Tigrey.

Dhakhtar ku sugan caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya, Mekelle, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ugu yaraan 27 qof rayid ah oo ay ku jiraan 4 jir, 78 jir iyo qoys ka kooban afar qof lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa TPLF.

Hase yeeshee war qoraal ah oo maanta ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray dadka rayidka ah, waxaana ciidamada gobolka Tigreega lagu tilmaamayay kooxdii dambiyada gashay.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dhakhtarka ay la hadashay ayaa sheegtay in adeegyada caafimaad ee magaalada Mekelle ay yihiin kuwo cakiran, iyagoo sheegay ianay gabaabsi yihiin daawada antibiyootikada iyo cuntada bukaannada iyo dhakhaatiirtaba.

Bayaanka ka soo baxay xafiiska Mr Abiy maalintii Isniinta ayaa lagu sheegay in “qeybtii ugu adkayn ee hawlgallada ay dhammaadeen, dowladduna ay hadda soo celinayso sharcigii iyo kala dambayntii, iyadoo dib u dejin u samaynaysa kuwa ka qaxay gobolka.

Raysal wasaaraha wuxuu ku adkeysanayaa in laga adkaaday ciidamadii gobolka inkasta oo ay beeniyeen madaxda gobolka, Abiy ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Tigreega ee militariga la dagaalamayay bishii ugu dambeysay aysan awood u laheyn inay dagaal dhuumaaleysi ah kaga soo qaadaan buuraha gobolka waqooyi.

Related posts

Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Maanta Hortaggaya Golaha Shacabka.

Heemaall

Golaha Amaanka Oo Mar kale ka Shiraya Xiisada ka Taagan Somaliya.

Heemaall

Maxkamada Denmark Oo Xakun Xabsi Adag ku Riday Wiil Somali ah Oo Dhibaateeyay Xaaskiisa

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More