Heemaal News Network

Abiy Axmed Oo War-murtiyeen ku Sheegay in Gor-gortan Laga Geli-doonin Arrinta Tigrey.(Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in uusan wax wada-hadal ah la galeyn maleeshiyaadka Ururka TPLF, xilli uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & Ciidamada TPLF.

War Murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Dr Abiye Axmed ayaa lagu sheegay inaan wax gor gortan ah laga geli doonin Arrinta Gobolka Tigreega oo ku yaalla Waqooyiga dalka Itoobiya.

“Mar kasta sharciga ayaa sareen doona Sharcigana waa lagu soo dhaweynayaa Midnimada,Hormarka iyo Wadajirka Itoobiya cida kala qeybineysa talaabo ayaan ka qaadeynaaaAyaa lagu yiri” War-Saxaafadeedka.

Hadalkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli dagaalo xoogan ay ka socdaan Gobolka Tigreega, isla markaana Ciidamada TPLF ay jareen Afar Buundo muhiim u ahaa gelitaanka Caasimadda Gobolka Tigreega ee Magaalada Maqale.

Related posts

Daawo Soomaliyadii Ugu Horaysay Oo Qaadatay Talaalka Cosvid-19

Heemaal

Heshiiska ka Bixitaanka Midowga Yurub Ee Britain Oo la Meel-mariyay.

Heemaall

Baarlamaanka Puntland Oo 8 Xildhibaan Xasaanadii Ka Xayuubiyey

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More