Heemaal News Network
cayaaraha

Abramovich Oo Ay Qabatay Xayiraadii Dhaqaale Ee Putin, Talada Chelsea-na Iska Wareejay

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa soo saaray qoraal rasmi ah uu ku cadeynayo inuu iska wareejiyay mas’uuliyada maamulka kooxda Chelsea madaama uu ka mid ah bilyaneerada reer Russia ee gacan saarka la leh madaxweynaha Ruushka ee xayiraada dhaqaale la dul dhigay.

Abramovich ayaa sheegay inuu mas’uuliyada maamulka Chelsea ku wareejinayo maamulka jimciyada tabarucaada Chelsea taasoo ka dhigan in wax walba oo la xiriira maamulka iyo dhaqaalaha kooxda ay maamuli doonaan mas’uuliyiinta jimciyada tabarucaada Chelsea kuwaasoo iyagana lacagta faa;idada ah wax ugu qaban doono bulshada.

Waxaa soo baxayay maanta warar sheegaya in Chelsea la xaraashayo laakiin qoraalkaan uu soo saaray Abramovich ayaa u muuqda inuu weli rajo ka leeyahay in kooxda dib loogu soo celin doono marka xaalada siyaasadeed iyo tan dagaalka ay degto.

Qoraalka uu soo saaray wuxuu ku yiri: “Ku dhawaad mudadii 20ka sanno aheyd ee aan ahaa milkiilaha Chelsea FC, waxaan mar walba doorkeyga u arkayay inaan ahay qofkii ilaalinayay oo xanaaneynay kooxda, waxay shaqeydeydu aheyd inaan Chelsea ka dhigo mid guuleysata sida ay maantaba tahay iyo inaan u dhisno mustaqbalka.
“Waxaan mar walba qaadanayay go’aano ay dani ugu jirto kooxda. Weli waan u heelanahay howshii aan qabanayay. Waana sabbata aan maanta kooxda ugu wareejinayo mas’uuliyiinta jimciyada tabarucaada Chelsea.

“Waxaan aaminsanahay inay haatan yihiin kuwa taagan booska ugu haboon ee lagu eegi karo danta kooxda ciyaartoyda, shaqaalaha iyo taageerayaasha.”

Related posts

Villarreal Oo Ku Guuleysatay Europa League

Heemaal

Real Madrid Oo Cashar Lama IloobaanAh U Dhigtay Liverpool

Heemaal

Real Madrid Oo Garaacday Barcelona, Messi Oo Wajigabax Kala baxay Garoonka

Heemaal