Heemaal News Network
somali

Abwaan Hadraawi Oo Lagu Aasay Magaalada Hargaysa

Allaha u naxariiste, waxaa goordhaw qabuuraha Baqiic oo ku yaalla magaalada Hargeysa lagu aasay abwaankii waynaa ee soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Dad isugu jiray Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo shacab ayaa ka qeyb galay aaska marxuumka, iyaga oo salaada janaasada ku tukuday.

Dadka ka qeyb galay aaska ayaa meesha ka sheegay wanaaga iyo taariikhda uu ka tagey Abwaan Hadraawi.

Mas’uuliyiinta iyo bulshada ayaa Eebe uga baryay in uu naxariiste Janno ka waraabiyo Abwaan Hadraawi.

Allaha u naxariitee abwaa Hadraawi, waxaa uu caan ku ahaa curintiisa ay ku dheehneyd hal abuurka suuganta nuucyadeeda kala duwan sida gabayada iyo heesaha.

 

Related posts

5 Milyan Oo Doolar Oo La Siinayo Qofkii Soo Sheega Sarkaal Shabaab Ah

Heemaall

Hiliblayaasha Burco Oo ka Mudaharaaday Gawraca Xoolaha Oo Ganacsade loo Gac-galiyay.

Heemaall

Madaxweynaha Iyo Ra’isul Wasarihiisa Sri Lanka Oo Aqbalay inay Is-casilaan

Heemaall