Heemaal News Network

Afar Kooxood Oo Xalay U Soo Baxay Wareega 16 Ee Champions League

Sideed kulan ayaa la ciyaaray xalay wareega group-yada Champions League iyadoo la iska dhaliyay 26 gool taasoo muujineysa in kulamadii xalay la ciyaaray ay ahaayeen kuwa xiiso badan oo shabaqa la iska soo taabtay in badan.

Afar kooxood ayaa xalay xaqiijistay u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League halka group-yada kale uu xiiso sii yeeshay tartanka kooxaha.

Chelsea iyo Sevilla oo kuwa jira Group E ayaa xalay noqday kooxihii ugu horeeyay ee u soo gudba wareega 16ka Champions League ka dib markii ay Sevilla 2-1 kaga badisay kooxda Ruushka ee Krasnador halka Chelsea ay 2-1 kaga badisay kooxda Faransiiska ee Rennes.

Waxaa iyagana sidoo kale soo gudbtay labada kooxood ee ku jira Group G ee Barcelona iyo Juventus ka dib guulo kala duwan oo ay gaareen. Barcelona ayaa si raaxo leh ku soo baxday ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqday Dynamo Kyiv iyagoo 12 dhibcood ka helay afartii kulan ee ay ciyaareen oo ay wada badiyeen.

Juventus oo guul ciriiri 2-1 ka gaartay kooxda yar ee Ferencvaros ayaa iyadana ka soo baxday Group G madaama ay uruursadeen sagaal dhibcood halka Dynamo Kyiv iyo Ferencvaros ay hareen.

Group F ma jirto koox xalay soo baxday laakiin Zenit ayaa xaqiijisatay inay hartay markii ay guuldarro 3-1 kala kulmeen kooxda Lazio halka Borussia Dortmund oo 9 dhibcood ku hogaamineysa group-ka ay 3-0 kaga badisay Club Brugge oo afar dhibcood leh kuna jirta kaalinta 3aad iyadoo Lazio ay 8 dhibcood leedahay.

Related posts

Tababare Frank Oo Cayaartoydiisa Ka Dalbaday In Ay Shaqdiisa Badbaadiyaan

Heemaal

Haweenay Markii Ugu Horaysay Taariikhda Garsoore Ka Noqonaysa Champions League

Heemaal

ManUn Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer Ee Kooxda

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More