Heemaal News Network
somali

Afartan Sanno Oo Uu U Xidhnaa Danbi Aanu Galin Kadib Waa La Sii Daayey

Kevin Strickland (62) waa madoow waxaana xukumay guddi garsoorayaal cadaan ah 1979-kii, waxaana llagu eedeeyey saddex dil oo ka dhacay magaalada Kansas. Kadibna waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Strickland wuu diiday dambiga waana iska barri yeelay. Sidoo kale ma jirin wax cadeymo ah oo la xiriirinaya dilka.

Xeer ilaalinta ayaa horaantii sanadkan xaqiijisay in si qaldan loo xukumay.

62-jirkan ayaa xabsiga ku jiray 43 sano. Tani waxay ka dhigaysaa mid ka mid ah maxaabiista madow ee ugu muddada dheer Maraykanka ee si khalad ah loo xukumay, sida uu qabo diiwaanka Qaranka ee dembi-la’aanta.

Related posts

Wiil Uu Dhalay Hogaamiyihii la Dilay Ee Liibiya Oo Xabsi Laga sii Daayay.

Heemaall

Nasrullah Oo Shaaciyay Tirada Dagaalyahanada Kooxdiisa Xisbullah Una Hanjabay Kiristanka Lubnaan

Heemaall

Badhasaabka Gabilay Oo Beeniyay Khilaaf Ka Dhex-qarxay Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Murashaxiin

Heemaall