Afrika Oo Looga Taag laayahay Cinwaanka .com Iyo Xukumadda Tanzania Oo Goaan Adag Ka Qaadatay

Xukuumadda Tansaaniya ayaa soo saartay go’aan kama danbays ah in ay hay’adaha dawliga ah si degdeg ah ay magacyada ciwaanka website ka .com loo beddelo.tz si kor loogu qaado aqoonsiga dalka.

Wasiir Ku-xigeenka Isgaarsiinta Edwin Ngonyani ayaa u sheegay xidhiidhka waaxda sharciyeed ee dalka si ay u fuliyaan amarka islamarkaana tallaaba laga qaado kuwa ku guul darreysato inay isbadalka sameeyaan.

“Waa ayaan darro in qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, waaxaha, wakaaladaha iyo hay’adaha ay weli iska diiwaan galin aqoonsiga qaranka ee muhiimka ah tan iyo markii ciwaanka domainka la bilaabay sannadkii 2009,” ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Citizen.

Nyongani ayaa u sheegay kasoo qaybgalayaasha munaasabada loogu dabaal degayo ciwaanka domainka qaranka in ay tahay waajib sharciyada isgaarsiinta ee dalka in ay u baddashaan .tz kuwaas oo ka caawin doona maal-gashadayaasha ajnabiga si ay u ansixiyaan hay’adaha dalka.