Heemaal News Network
somali

Agaasimahii NISA Oo Loo Doortay Xildhibaan Baarlamaan

Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka dhacday doorashada kursiga HOPO67, kaas oo ay ku tartameen laba musharrax.

Kursigaan oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd dood adag ayaa waxaa ku tartamay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Yaasiin fareey iyo Maxamed Cali Culusoow kadib markii tartanka ay isaga hareen Saddex musharrax oo kale oo tartanka ka qeyb geli lahaa, waxaana kursiga ku guuleystay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey)

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey) uu helay 68 Cod halka Maxamed Cali Culusoow uu helay 20 Cod, waxaana halaabay 3 Cod.

Goordhow waxaa la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee Maanta oo ah HOPO43, kaas oo uu ku fadhiyo Xuseen Qaasim Iidow.

Related posts

Qaramada Midoobay Oo ka Digtay Abaaraha ku Dhuftay Somaliya

Heemaall

Taalibaan Oo Amartay In Xabsiga loo Taxaabo Dagaalyahano ka Tirsanaa Oo Dad ku Dilay Kabul.

Heemaall

Beel Ka Mid Ah Beelaha Daga Waqooyiga Oo ka Hadlay Saamiga Uga Maqan Dawlada Fadaraalka

Heemaall