Heemaal News Network
somali

Ahlu Sunna Oo Isaga Baxday Degmo ay Dhawaan Qabsadeen

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi isaga baxeen ciidamo taabacsan kooxda Ahlu Sunna kuwaa oo degmadaasi dhawaan dagaal la’aan kula wareegay.

Dadka ku dhaqan degmada Matabaan ayaa sheegay in ciidamada Ahlu Sunna oo watay gaadiidka dagaalka ay saakay isaga baxeen gudaha Degmada ayna saldhig ka dhigteen duleedka degmadaasi.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Ahlu Sunna ayaa ku sugan deegaan kuyaala xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxa ayna ciidamada Ahlu Sunna halkaasi dhigteen koontarool gaadiidka lacxago looga qaadayo.

Saraakiisha ciidamada Ahlu Sunna ayaan wali ka hadlin ujeedka ay uga baxeen degmada Matabaan ee gobolka Galgaduud, waxaana degmadaasi kamid tahay goobihii Ahlu Sunna horey looga saaray.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa wali ku sugan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo dagaal la’aan kula wareegeen, waxa ayna Ahlu Sunna ku fara adeegeysaa heesashada magaaladaasi oo muhiim gaar cah u leh.

Related posts

Xaflad Lagu Taageerayay Wasiir Seed Iyo Barasaabka Cusub Ee Hargaysa Oo Borama ka Qabsoontay.

Heemaall

Dadka Xaafada Sh. Madar Hargaysa Oo Diiday In Lagu soo Raro Dadka ku Barakacay Suuqa Waaheen.

Heemaall

Khilaafkii ka Taagnaa Dhismaha Suuqa Waaheen Oo lasoo Afjaray.

Heemaall