Heemaal News Network
Soomaaliya

Ahmed Madoobe Oo ka Digay Katarta ka Dhalan karta Faragalinta Dawlada Ee Dorashada Jubaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda Soomaaliya uga digay faro-gelinta ay ka waddo Jubaland, taasoo kasii dari doonaanta xaaladda, islamarkaana dhibaato horseedi karta.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka hor sheegay maanta mas’uuliyiin iyo dadweyne kala duwan oo uu salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Jubbaland, isaga oo sheegay in dowladda ay dalka dib ugu celineyso halkii uu ka yimid.

Madaxweynaha ayaa marka hore dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo u rajeeyay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Sidoo kale shacabka reer Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hayadaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

Dowlada Federaalka ah ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaaalad abuurka ay wado uuna dan u ahayn shacabka taas oo mar walba xaalada uga sii daraysa isla markaana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday sida uu hadalka u dhigay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More