Heemaal News Network
somali

AKHRISO: Magacyadda Xildhibaanada Maanta Lagu Doortay Garowe.

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta lagu doortay Caasimadda maamulka Garoowe.

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland, ayaa shalay dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan Kuraastaas, ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo.

Shanta kursi ee maanta lagu doortay Garowe ayaa ah kuwa uusan ka furneyn tartan ee la wada ogsoon yahay shaqsiyaadka ku tartami doona maadaama inta badan laga reebay Musharaxiinta saxda tartanka ku jiray.

Magacyadda maanta Xildhibaanada la doortay:

Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#235 ee golaha shacabka BJFS .

Cali Yuusuf Cali ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#200 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Cabdullaahi Xasan Rooble ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#249 ee golaha shacabka BJFS.

Cabdi Ibraahim Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#196 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#166 ee golaha shacabka BJFS

Related posts

Puntland Oo Go’aana soo Saartay Amniga Degaannadeeda Oo Maanta Laga Shiray.

Heemaall

Ruushka Oo Sheegtay Inay Isku soo Dhiibeen Kun Askari Oo ka Tirsan Ciidamada Badda Ukraine

Heemaall

Galmudug Oo Shaacisay Ajinabi Lagu Dilay Dagaalkii Baxdo

Heemaall