Heemaal News Network
somali

Akhriso:-Qodobada la Isku Mari-waayay Shirkii Afisyooni iyo kuwa la Isla Fahmay

Iyadoo uu fashil ku yimid shirkii ka socday Teendhada Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa jira qodobbo la isku fahmay iyo kuwo la isku fahmi waayay intii shirku socday, kuwaasoo maadxdu ay si weyn uga doodeen.

Qodobada la isku fahmay intii uu shirku socday ayaa waxa kala yihiin:

1- Beesha caalamku damiin ka noqoto heshiiska fulintiisana ay damaand qaado

2- in Guddiga doorashada la beddelo.

3- In furitaanka Shirka laga qeyb geliyo saamileyda siyaasadda sida Madaxweynayaashi hore Guddoomiyeyaasha labada aqal.

Sidoo kale qodobada la isla fahmi waayay ee shirka fashiliyay ayaa waxaa ka mid ah:

1- Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeystay in Gedo loo dhiso maamul Goboleed oo aysan qeyb ka noqon doorashada Jubaland.

Qodobkaan ayaa ahaa mid saaka uu soo kordhiyay madaxweynaha, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu shalay la kulmay ka socday odayaal ka soo jeeda Gedo

2- in amniga doorashada cidda qaadaneysa laga wadahadlo, Jubaland iyo Puntland waxay soo jeediyeen in Xukuumadda loo dhiibo, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu diiday awoodda amni iyo maamul ee doorashada

Related posts

Shirkii Maanta Oo Natiijo La’aan Xidhmay Iyo Wadatashi Loo Dareeray

Heemaal

Dani Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Dagaalka Alshabaab

Heemaal

Suudaan Oo Nasakhday Sharci Uu Diidaayey In Ay Israa’iil Jaal La Noqoto

Heemaal